Skip Navigation
The Endowment for Human Development
The Endowment for Human Development
Improving lifelong health one pregnancy at a time.
Donate Now Get Free Videos

Multilingual Illustrated DVD [Tutorial]

The Biology of Prenatal Development




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


National Geographic Society This program is distributed in the U.S. and Canada by National Geographic and EHD. [learn more]

Choose Language:
Download English PDF  Download Spanish PDF  Download French PDF  What is PDF?
 

The Fetal Period (8 Weeks through Birth)

Chapter 37   9 Weeks: Swallows, Sighs, and Stretches

Xilliga uurjiifku wuxu soconayaa illaa dhalashada.

Usbuuca 9ka, waxa bilaabanaya suul nuugid uurjiifku wuxu liqi karaa dareeraha amniyoon-ka.

Uurjiifku wuxu kaloo qabsan karaa shay, dhaqaajin karaa madaxa horay iyo gadaal, karaa fur xirna qalka, dhaqaaji carrabka, neef jiid siina daa is kala bixina.

Dareemeyaasha dhammaadka ah ee wajiga, calaacasha gacanta, iyo cagta cad waxay dareemi karaan taabasho khafiifa.

"Isagoo ka jawabaya taabasho khafiifa ee cagta cad," uurjiifku wuxu soo laabayaa sinta iyo jilbka wuxuna laabi karayaa suulka.

Baalasha indhuhu haatan way xiran yihiin dhammaan.

Ka soo bixidda qaybta hore ee hunguriga cad, seedaha codka waxay calaamadinaysaa bilowga horumaridda xarigga codka.

Uurjiifka dheddiga, minka waa la aqoonsan karayaa unugyo taran aan dhammeystirneyna, lagu magacaabo uugoniya, waxay ku tarmayaan ukumo-galeenka gudihiisa.

Xubnaha sinjiga ee dibedda waxa bilaabaneyso in ay u kala soocmaan lab iyo dheddig ahaan midkood.

Chapter 38   10 Weeks: Rolls Eyes and Yawns, Fingernails & Fingerprints

9ka iyo 10ka usbuuca dhexdooda koriimadu kor bay u sii booddaa waxay ku siyaadisaa misaanka jirka 75% ka kor.

Usbuuca 10ka, xoodinta baalasha kore ee indhaha waxay sababaysaa isha oo hoos u roganta.

Uurjiifku wuu halaaqoodaa marar badanna afkuu furaa xiraana.

Uurjiifyada badankoodu waxay nuugaan suulka midigta.

Qaybo xiidmo ku jira xarigga xuddunta waxay u noqonayaan saabka caloosha.

Lafaha badankooda waxa ka socda lafoobid.

Ciddiyaha faraha iyo ciddiyaha suulasha ayaa bilaabaya inay sameysmaan.

Raadfaro khaasa wuxu muuqdaa usbuuca 10ka kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib. Naqshadahaan waxa loo isticmali karaa aqoonsi inta la nolyahay oo dhan.

Chapter 39   11 Weeks: Absorbs Glucose and Water

Usbuuca 11ka sanka iyo faruryuhu si dhan bay u sameysan yihiin. Sida midkasta ee qaybaha kale ee jirka, muuqaalkoodu wuu isbeddeli doonaa heerkasta ee meerteysiga nolosha benii aadamka.

Xiidmuhu waxay bilaabayaan inay dhuuqaan glukoose iyo biyo uurjiifku liqay.

Inkastoo jinsigu ku qeexan yahay kulanka unugyada labka iyo dheddiga, xubnaha jinsiga haatan waxa loo kala sooci karaa lab ama dheddig ahaan.

Chapter 40   3 to 4 Months (12 to 16 Weeks): Taste Buds, Jaw Motion, Rooting Reflex, Quickening

Usbuucyada 11ka iyo 12ka dhexdooda, miisaanku uurjiifku wuxu kordhaa 60% ku dhawaad.

Laba iyo toban usbuuc waa astaanta dhammaadka saddex daloolka, ama saddex-biloodlaha koowaad ee uurka.

Unugyo dhadhamo kala duwan ayaa ku yaal afka gudihiisa haatan.
Goorta dhashada unugyada dhadhamadu waxay ku hari doonaan oo keliya carrabka iyo dhanxanagga.

Dhaqdhaqaaqa wax saaridda qabsinnadu wuxu bilaabanayaa ugu horreyntii usbuuca 12ka wuxuna soconayaa taqriiban 6 usbuuc.

Walaxa ugu horryentii ka soo baxa uurjiifku iyo malawadka hadda-dhalayga waxa lagu magacaabaa mal. Wuxu ka sameysan yahay ensaymes dheefshiideed, brotiin, iyo unugyo dhintay oo uu iska soo saaray dheefshiid mareenku.

Usbuuca 12ka, dhererka addinka hore wuxu ku dhawaad gaaray qiyaastiisu ugu dambeysay ee jirka. Addimada hoose waxay qaatan in ka dheer si ay u gaaraan qiyastooda ugu dambaysta ah.

Marka laga reebo dhabarka iyo madaxa korkiisa, dhammaan jirka uurjiifku haatan wuxu ka jawaabaa taabasho fudud.

Farqiyada koritaanka ku saleysan sinjiga waxay soo baxayaan marka ugu horreyso. Tusaale, uurjiifyada dheddiga waxay muujiyaan dhaqdhaqaaqa qalka in ka badan kan labka.

Si ka soo horjeedo jawabtii hore lo arkay ee dib-u-gurashada Xoodin afka agtiisa waxay haatan dhalinaysaa, u jeesasho dhinaa xoodinta iyo furitaan afka. Jawaabtani waxa la yiraahdaa "jawaan-celin automaatik ah ee raadin" waxayna sii socotaa dhalashada kadib, ka caawintaa hadda-dhaleyga helidda ibta hooyadiisa/hooyadeed waqtiga nuujinta.

Wajigu wuxu sii wadayaa inuu weynaado iyadoo ay baruur kayd ah ku bilaabaneyso inay buuxiso camanka sameysmidda ilkuhuna way bilaabaneysaa.

Usbuuca 15ka, waxa imaanaya unugyada taranka dhiig-sameynta waxayna ku badanayaan dhuuxa. Sameysmidda unugyada dhiigga badankoodu waxay ka dhici doontaa halkaan.

Inkastoo dhaqdhaqaaqu ku bilowdo embriyaha usbuuca 6da, naagta uurka leh waxay horta dareemeysaa dhaqdhaqaaqa uurjiifka usbuuca 14ka iyo usbuuca 18ka dhexdooda. Sida dhaqanka ah, dhacdadan waxaa lagu wacay dhaqsad.

Chapter 41   4 to 5 Months (16 to 20 Weeks): Stress Response, Vernix Caseosa, Circadian Rhythms

Usbuuca 16ka, qaabyada falgalka ay ka mid tahay ugu gelin uurjiifka cirbad caloosha waxay keenaan jawaab hormoon cadaadis ku sii deynaya noradrenaliin, ama norebinefriin, dhiigga socda. Hadda-dhaleygu iyo qaangaarku waxay ka muujiyaan jawabo isu eg qaababka falgallada jirka gudihiisa.

Qaabka nefsashada, geedka bronki-ga wuxu ku dhaw yahay dhammeystir.

Walax cad oo badbaado ah, lagu magacaabo ferniks kaseosa, ayaa ku dheehan uurjiifka. Ferniks waxay ka badbaadinaysaa maqaarka saameyn oo xajiimeyn ah ee dareeraha amniyoonka.

Min usbuuca 19ka dhaqdhaqaaqa uurjiifku, hawlaha neefshadu, iyo qaddarka garaacidda wadnahu waxay bilaabayaan inay raacaan meerteysi maalmeedle ah oo lagu magacaabo garaaca kirkeydiyanka.

Chapter 42   5 to 6 Months (20 to 24 Weeks): Responds to Sound; Hair and Skin; Age of Viability

Usbuuca 20ka kokliya, oo ah xubinta maqalka, waxay ku dhex gaartay qiyaasta ruuxa qaangaarka dhegta gudaha ku sii jirta oo si dhammeystiran u korsan. Haatan wixi ka dambeeya, uurjiifku wuxu ka jawaabi doonaa shanqaro kala duwan oo kordhaya.

Timo ayaa bilaabanaya inay ka soo baxaan maqaarka madaxa.

Dhammaan lakabyada iyo qaababka maqaarku waa jiraan, ay ka mid yihiin jiridda timaha iyo qanjirrada.

Usbuuca 21ka illaa 22da kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib, sanbabadu waxay yeelanayaan xoogaa karti hawo neefsasho. Tan waxa lagu tiriyaa waqtiga taabagalka maxayeelay ku noolaansho caloosha dibaddeeda waxay u noqoneysaa nuurtagal uurjiifyada qaar. Horumar dheer isdabajooga ee caafimaadka ayaa suurtagal ka dhigay tiirinta nolosha dhallanka dhasha xilligii ka hor.

Chapter 43   6 to 7 Months (24 to 28 Weeks): Blink-Startle; Pupils Respond to Light; Smell and Taste

Usbuuca 24ka baalasha indhuhu dib bay u furmaan uurjiifkuna wuxu muujinayaa jawab indho ka bligsiin yaabsan. Jawaabtan shanqarta kadiska, dheer waxay si khaasa ay dhaqsi ugu horumartaa uurjiifka dheddiga ah.

Dhowr baareyaal ayaa tebiyay in maqashiin shanqar dheer ay si xun u saameyn karto caafimaadka uurjiifka. islamarkiiba waxyaabaha ay sababeyso waxa ka mida qaddarka garaacidda wadnaha oo kordha waqti sii dheer, liqidda uurjiifka oo xaad-dhaaf ah, iyo dhaqan isbeddello kadis ah. Waxyaabaha ay sababeyso muddada dheer oo suurtagalka ah waxa ka mida dhego beel.

Qaddarka neefsashada uurjiifka waxay kor u kici kartaa meerteysi ah illaa iyo 44 neefjiidid-neefsaarid daqiiqadiiba.

Saddex biloodlaha saddexaad ee uurka gudihiisa, maskaxda oo si degdeg ah u koraysa ayaa isticmaasha 50% tamarta uu isticmaalo uurjiifku. Miisaanka maskaxdu wuxu kordhaa 400 illaa 500%.

Usbuuca 26ka indhuhu waxay sameynayaan illin.

Isha birteeduna waxay ka jawabtaa iftiinka ugu horreyntii usbuuca 27da. Jawaabtani waxay qiyaaseysaa qaddarka iftiinka gaaraya shabakadda inta la noolyahay.

Dhammaan qaybaha looga baahan yahay si uu u shaqeeyo dareenka uurka waa shaqeynayaan. Daraasooyinka hadda-dhalleyga waqtiga ka hor dhashaa waxay caddeeyeen kartida dareenka uurka ugu horreyntii usbuuca 26ka kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib.

Walax macaan oo la dhexgeliyo dareeraha amniyoonka waxay kordhinaysaa qaddarka liqidda uurjiifka. Lidkeeda, liqidda uurjiifka oo isdhinta waxay ku timaada walax kharaar oo lagu daro. Waxa marar badan daba socota muuqalka wajiga oo isbeddela.

Isago sameynayo dhaqaaq lugo taxane ah la moodo tallaabo u eg socod, uurjiifku wuxu sameeyaa qaalmo rogad.

Uurjiifka wuxu u muuqdaa in duuduubku ka yaraaday maadaama ay ku sameysmeyso baruur kayd ah oo dheeraad aha , maqaarla hoostiisa. Baruurtu waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa xafididda kulka jirka iyo tamar keydinta dhalashada kadib.

Chapter 44   7 to 8 Months (28 to 32 Weeks): Sound Discrimination, Behavioral States

Usbuuca 28da uurjiifku wuxu kala saari karaa heerka dhawaaqa sare iyo heerka gaaban.

Usbuuca 30ka, dhaqdhaqaaqyo neefsashadu waa caadi waxayna ka dhacaan 30 illa 40% ee waqtiga uurjiifka caadiga ah.

4ta bilood ee uurka ugu dambeysa gudahooda, uurjiifku wuxu soo bandhigayaa xilliyo hawlo isku-duwan ay ku dhex jiraan xilliyo nasasho. Xaaladahaan dhaqameed waxa ka muuqda isku-dhafnaan hore u sii kordheysa ee qaabka dareenka dhexe.

Chapter 45   8 to 9 Months (32 to 36 Weeks): Alveoli Formation, Firm Grasp, Taste Preferences

Taqriiban usbuuca 32da, Alfiyoli run ah, ama unugyo hawo "ka buuxdo" , ayaa bilaabmaya inay ku sameysmaan sanbabada. Waxay sii wadi doonaan inay sameysmaan illaa 8 sano dhalashada kadib.

Usbuuca 35ka uurjiifku wuxu leeyahay gacan wax ku qabsasho adag.

Uurjiifka oo la kulma walaxyo kala duwan waxay u egtahay inay saameyso kala doorbidid dhadhamo. Tusaale, uurjiifyo hooyadood cuni jirtay anise, walaxa siiya likorays dhadhankeeda, waxay mujiiyeen doorbidid anise dhalashada kadib. Hadda-dhaleyga aan hore ula kulmin ma jecla anise.

Chapter 46   9 Months to Birth (36 Weeks through Birth)

Uurjiifka wuxu bilaabayaa fool isagoo sii daayo in badan ee hormoonka lagu magacaabo estrogen waxana sida ku bilaabanaya kala-guurka min uurjiif illaa hadda-dhaley.

Foosha caalamad u ah isku-ururid iyo kala-bixid ee minka, oo keenta cunug dhalidda.

Min kulanka unugyada labka iyo dhiddigga illaa dhalashada iya ka shishe, koritaanka benii aadamku waa firfircoon yahay, waa isdabajoog waana iskudhaf adag. Waxyaabo cusub oo laga ogaaday hawlgalkaan cajiibka leh waxay si istaraysa u muujinayaan muhiimadda saameynta koridda uurjiifku ku yeelaneyso caafimaadka nolosha oo dhan.

Sida fahamkeenna koritaanka hore ee benii aadamka u sii horumarayo, sidaa si le'eg ayay u horumari doontaa kartideenna inan sare u qaadno caafimaadka dhalashada kahor iyo kadibba.


Add a Comment

Your Name: Log In 3rd-party login: Facebook     Google     Yahoo

Comment: