Skip Navigation
The Endowment for Human Development
The Endowment for Human Development
Improving lifelong health one pregnancy at a time.
Donate Now Get Free Videos

Multilingual Illustrated DVD [Tutorial]

The Biology of Prenatal Development




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


National Geographic Society This program is distributed in the U.S. and Canada by National Geographic and EHD. [learn more]

Choose Language:
Download English PDF  Download Spanish PDF  Download French PDF  What is PDF?
 

The Embryonic Period (The First 8 Weeks)

Embryonic Development: The First 4 Weeks

Chapter 3   Fertilization

Iyadoo bayolojiya ahaan laga hadlayo, koridda benii aadamku waxay ka bilaabataa kulanka unugyada labka iyo dheddiga, marka naagta iyo ninku midkoodba isu geeyaan 23 kormosoomyadooda iyadoo loo marayo kulanka unugyadooda taranka.

Naagta unuggeeda taranka waxa sida caadiga lagu magacaabaa "ukun" laakiin magaca saxa ah waa "uusayt".

Sidoo kale, unugga taranka ninka waxa aad loogu yaqaan "isberm" laakiin magaca la doorbido waa isbermatosoon.

Kaga soo deynta uusayt naagta ukumo-galeenkeeda falgal la yiraahdo ukumeyn kadib, ayaa uusayt iyo isbermatosoon isugu tagaan dhuumaha minka middood, oo badanaa la yiraahdo dhuumaha Fallobian-ka.

Dhuumaha minka waxay isku xiraan naagta ukumo-galeenkeeda Iyo minkeeda ama makaankeeda.

Embriyaha hal-unuglaha ah oo ka soo baxa waxa la yiraahdaa saygoot, macnaheedu "isku xakameysaan ama xiran".

Chapter 4   DNA, Cell Division, and Early Pregnancy Factor (EPF)

46da kromosoom ee saygood-ka waxay mettelayaan sameyska koowaad u gaarkaa naqshad fireedda aasaasiga oo dhammeystiran ee ruuxa cusub. Qorshaha weyn wuxu ku jiraa moleekule-yaal si adag isugu-marooqsan la yiraahdo DNA. Waxay wadaan tilmaamaha koritaanka ee dhammaan jirka.

Moleekuleyaasha DNA-ga waxay u egyihiin jaranjaro marooqsan loo yaqaan galool lammaanan. Marooqyada jaranjarada waxay ka sameysan yihiin moleekule lammaanane ah, ama salal,lagu magacaabo gu'anayn, saytosayn, adenayn, iyo thaymiin.

Gu'anayn waxay ku lammaansantaa saytosayn oo keliya, adenayn-na thaymiin. Unug kasta ee benii aadan waxaa ku jira taqriiban 3 bilyan ee lammaanayaashaan salka ah.

DNA-ga halka unug wuxu sidaa warbixin aad u farabadan oo haddii lagu metteli lahaa erayo daabacan, iyadoo un la taxayo xarafka koowaad ee sal walba waxa loo baahan lahaa 1.5 milyan oo bogag qoraal ah!

Haddii la fidiyo min dhammaad ilaa dhammaad, DNA-ga halka unug benii aadam cabbirkiisu waa 3 1/3 cag ama 1 miter.

Haddaan kala furfuri lahayn dhammaan marooqyada DNA-ga ee 100 trilyan unug ee qaangaarka, waxay ku fidsami lahayd 63 bilyan ee mayl. Masaafadu waxay gaareysaa min dhulka illaa qoraxda iyo soo noqod 340 jeer.

Taqriiban 24 illaa 30 saacadood kulanka unugyada lalka iyo dheddiga ka-dib, saygoot-ku wuxu dhammeystirayaa kala qaybsamidda unugga koowaad. Iyadoo loo marayo hawlgalka maytosis, halka unug wuxu u kala qaybsamaa labo, labadu afar, sidaas bayna u socotaa.

Ugu horreyntii 24 illaa 28 saac kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib, ayaa uurka la xaqiijin karaa iyadoo laga arko hormoon lagu magacaabo "cunsurka hore ee uurka" dhiigga hooyada.

Chapter 5   Early Stages (Morula and Blastocyst) and Stem Cells

3ta illaa 4ta maalmood kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib, unugyada kala qaybsamaya ee embriyaha waxay qaadanayaan qaab goobaabin embriyahana waxa lagu magacaabaa morula.

4ta illaa 5ta maalmood, god ayaa ka sameysma kubbadda unugyada gudaheeda embriyahana waxa kolkaa lagu magacaabaa blastosist.

Unugyada gudaha blastosist-ka waxa lagu magacaabaa cufka unugga gudaha hoose waxana ka soo baxa madaxa, jirka, iyo qaabab kale muhiim u ah beenii aadamka koraya.

Unugyada ku jira cufka unugga gudaha hoose waxa lagu magacaabaa unugyada jirridda ee embriyaha waayo waxay karti u leeyihiin inay sameeyaan midkasta ee noocyada unug ee 200 ka badan ah ku jira jirka benii aadamka.

Chapter 6   1 to 1½ Weeks: Implantation and Human Chorionic Gonadotropin (hCG)

Kolka u hoos ugu safro dhuunta minka kadib, Embriyihii bilowga ah wuxu isku dhejiyaa minka hooyada darbigiisa gudaha hoose ah. Hawlgalkan, lagu magacaabo ku tallaalmid Waxay bilaabataa maalinta 6da waxayna dhammaataa 10-12 maalmood kulanka unugyada labka iyo dheddigga kadib.

Unugyada embriyaha koraya ayaa waxay sameynayaan hormoon lagu magacaabo human koriyonik gonadotorobin, ama HCG,oo ah walaxa lagu arko badanaa baaritaannada uurka badankooda.

HCG wuxu ku amraa hormoonnada hooyada inay joojiyaan meerteysiga caadiga ah ee caadada, taasoo u oggolaaneyo uurku inuu sii socdo.

Chapter 7   The Placenta and Umbilical Cord

Ku tallaalmidda kadib, unugyada dhanka dibedda xiga ee blastosist waxa ka soo baxa qayb qaab lagu magacaabo mandheer, oo ka dhex shaqeysa qaababka wareegga dhiigga ee hooyada iyo embriyaha.

Mandheertu waxay gaarsiisaa oxygen, nafaqo, hormoonno, iyo daawooyin ee hooyada benii aadamka koraya; waxay bixisaa soo-saarka qashinka ah; waxayna horistaagtaa in dhiigga hooyadu ku qasmo dhiigga embriyaha iyo uurjiifka.

Mandheertu waxay kaloo soo saartaa hoormoonno waxayna ku haysaa kulka jirka embriyaha ama uurjiifka wax in yar ka sarreeya kan hooyada.

Mandheertu waxay la leedahay benii adam koraya isgaarsiin mareysa xididdada xarigga xuddunta.

Kartida taageeridda nalosha ee mandheerta waxa la tartamaan kuwo qaybaha xannaanada sare oo deg-degga ee isbitaallada casriga.

Chapter 8   Nutrition and Protection

Usbuuca 1da, unugyada cufka unugga guda hoose waxay sameynayaan labo lakab lagu magacaabo hayboblast iyo ebiblast.

Haypoblast waxa ka soo baxa koleyga nafaqada, oo ka mid ah qaababka ay mariso hooyadu nafaqada ay siinayso embriyaha bilowga ah.

Unugyada ebiblast waxay sameeyaan xuub lagu magacaabo amniyon, oo gudihiisa embriyuhu dabadeedna uurjiifku ku kooraan illaa dhalashada.

Chapter 9   2 to 4 Weeks: Germ Layers and Organ Formation

Taqriiban 2 1/2 usbuuc, ebiblast wuxu sameeyay 3 cuf-ungyo oo takhassus leh, ama lakabyo dhala xubno, lagu magacaabo ectoderm, endoderm, iyo mesoderm.

Ectoderm waxa ka soo baxa qaabab badan ay ka mid yihiin maskaxda, xarigga lafdhabarta, dareemeyaasha, maqaarka, ciddiyaha, iyo timaha.

Endoderm wuxu sameeyaa dahaarka qaabka neefsashada iyo dheefshiid mareenka, waxana ka sameysmo xubnaha ugu waaweyn sida beerka iyo beer-ku-taasha.

Mesoderm wuxu sameeyaa wadnaha, kalyaha, lafaha, carjawda, muruqyada, unugyada dhiigga, iyo qaabab kale.

Usbuuca 3da maskaxdu waxay u qaybsameysaa 3 qayb asaasi ah lagu magacaabo maskax-hore, maskax-dhexe, maskax-gadaale.

Sameysamidda qaababka Neefsashahda iyo dheefshiidka ayaa kaloo socda.

Marka ay unugyadii dhiigga ee u horeeyay ay ka soo baxaan koleyga dheefta, xididdo dhiig ayaa ku sameysmayo dhammaan embriyaha, wadnuhuna ahaan buu ku soo baxaysaa.

Ku dhawaad islamarkiiba, wadnaha dhaqsuu u qorayaa wuu isku duubmaa iyadoo qolal gaara ay bilaabanayaan inay sameysmaan.

Wadnuhu wuxu bilaabayaa garaac 3 usbuuc iyo hal maalin kulanka unugyada labka iyo dheddiga kadib.

Qaabka wareegga dhiigga waa qaabka koowaad ee jirka, ama kooxo xubno wada xiriira, gaara xaal hawlqabad.

Chapter 10   3 to 4 Weeks: The Folding of the Embryo

Usbuucyada 3da iyo 4ta dhexdooda, qorshaha jirka ayaa soo baxaya madaama maskaxda, xarigga lafdhabarka, iyo wadnaha embriyaha si sahlan loo aqoonsan karaya Iyagoo uu weheliyo koleyga nafaqadu.

Koriimo degdeg ah waxay sababeysaa laablaabmid embriyaha oo illaa-xad fidsanaa. Hawlgalkaan wuxu ku xirayaa qayb kolayga nafaqada dahaarka qaabka dheefshiidka waxayna sameeyneysaa xabadka iyo godadka caloosha ee benii aadamka koraya.


Add a Comment

Your Name: Log In 3rd-party login: Facebook     Google     Yahoo

Comment: