Skip Navigation
The Endowment for Human Development
The Endowment for Human Development
Improving lifelong health one pregnancy at a time.
Donate Now Get Free Videos

Multilingual Illustrated DVD [Tutorial]

The Biology of Prenatal Development




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


National Geographic Society This program is distributed in the U.S. and Canada by National Geographic and EHD. [learn more]

Choose Language:
Download English PDF  Download Spanish PDF  Download French PDF  What is PDF?
 

Embryonic Development: 6 to 8 Weeks

Chapter 20   6 Weeks: Motion and Sensation

Ubuuca 6da wareegaa barka ah ee maskaxda waxay u koraysaa si leh xawli aan u dhigmin qaybaha kale.

Embriyuhu wuxu bilaabaa inuu sameeyo dhaqdhaqaaqyo iska dhaca ama fal ka jawab-celin awtomatik ah. Dhaqdhaqaaqyadaas iyaga Ah waxa loogu baahan yahay si loo dhiirrigeliyo horumarinta dareemayaasha muruqyada

Taabasho afka aaggiisa ah waxay sababeysaa inuu embriyuhu madaxiisa dib-u-ceshado taasoo fal ka jawaab-celin awtomatik ah.

Chapter 21   The External Ear and Blood Cell Formation

Dhegta dibadda ah waxay bilaabeysaa inay qaab yeelato.

Usbuuca 6da, waxa beerka ka socdo sameysmidda unugga dhiigga halkaas oo haatan laga helo limfosaytis. Noocan ee unugga dhiigga cad wuxu muhiim u yahay horumaridda qaabka isdifaca.

Chapter 22   The Diaphragm and Intestines

Boggu, muruq aasaasi ah loo isticmaalo neefsashada, wuxu badankiisu sameysmaa usbuuca 6da.

In ah xiidan ayaa haatan u soo fiiqan si ku-meelgaar ah waxay ku fiiqantahay xarigga xuddunta. Hawlgalkan caadiga, waxa lagu magacaabaa sheelo noqoshada jirka noolaha wuxu firaaqo u sameynayaa xubnaha kale oo ka soo baxay caloosha

Chapter 23   Hand Plates and Brainwaves

Usbuuca 6da baabbacooyinka gacantu waxay sameynayaan fidsanaan aad loo dareemeyn.

Mawjadaha-maskaxda waxa ugu horreyntii la duubay usbuuca 6da iyo 2 maalmood.

Chapter 24   Nipple Formation

Ibaha ayaa ka soo baxaa dhinacyada qaarka hore in yar kahor inta ayan ka gaarin jagadooda kama-dambeysta ah dhanka hore ee xabadka.

Chapter 25   Limb Development

Usbuuca 6da iyo 1/2ka , xusulladu waa muuqdaan, faruhu waxay bilaabayaan inay kala qaybsamaan, dhaqdhaqaaqa gacantana waa la arki karaa.

Sameysmidda lafaha, lagu magacaabo lafoobid, waxay ka bilaabataa kalxanta, ama lafta qoorta, iyo lafaha qalka sare iyo hoose.

Chapter 26   7 Weeks: Hiccups and Startle Response

Hingo ayaa la arkay uusbuuca 7da.

Haatan waxa la arki karaa dhaqdhaqaaqa lugaha, oo ay weheliso ka jawaab-celin naxdin ah.

Chapter 27   The Maturing Heart

Wadnaha 4-qollaha ah badankiisu uu dhammeystiran yahay. Isku-celecelis, wadnuhu wuxu haatan garaacayaa 167 jeer daqiiqadiiba.

Hawlo koronteed ee wadnaha waxa la duubay usbuuca 7da iyo 1/2ka wuxu muujinayaa qaab mawjadeed u eg kan qaangaarka.

Chapter 28   Ovaries and Eyes

Dheddiga, ukuma-galeennada waa la aqoonsan karaa usbuuca 7da.

Usbuuca 7da iyo ½ ka,shabakadda isha midabka leh ayaa si sahlan loo arkaa baalashana waxay bilaabayaan xilli koritaan degdeg ah.

Chapter 29   Fingers and Toes

Faruhu waa kala qaybsan yihiin suulashuna waxay kaga dhegen yihiin salka oo keliya.

Gacmuhu haatan way isu iman karaan, sidoo kale cagahu.

Waxa kaloo jira kala-goysyada jilibka.


Add a Comment

Your Name: Log In 3rd-party login: Facebook     Google     Yahoo

Comment: